Casho sharaf si heer sara ah loo sooagaasimay ayaa habeenkii khamiista loogu sameeyay muqdisho qaar ka mid ah ardaydada Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay dalka turkiga ee qaybta ka noqdo masuuliyiinta dhawaan loo doortay in ay qayb ka noqdaan din udhiska dalka.
Faadumo Cabdi oo ka mid ah ardayda waxku soo baratay dalka aan walaalaha nahay ee turkiga ayaa loo magacaabay ku xigeenka xoghayaha jooogtada ah ee Xafiiska Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Mugreere ayaa asna loo magacaabay ku xigeenka Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya.
Masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka  Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku soo baratay dalkaturkiga ayaa marka hore ugu hambalyeeyay shaqada culus ee loo igmaday waxa ayna ugu duceeyeen in ilaahay la garab galo masuuliya loo igmaday.
Sanadihii ugu danbeeyay ardaydaSoomaaliyeed ee wax ku soo bartay dalka aan walaalaha nahay ee turkiga ayaa waaxaha kala duwan ee dowladadnimada Soomaaliya shaqooyin ka bilaabaya sida fedaraalka iyo dowlad gobaleedyada dalka ka jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *